Wasiirka 1-aad oo ka qayb galaaya Meertada 79aad ee Qaramada Midoobey..

Security Somalia news World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qayb gali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay…

Mr.Xamse oo ka hadli doonta doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyada oo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara, Somalia ayaa sida oo kale wada olole balaaran oo xulufo ay kaga raadineyso caalamka, ka dib siyaasadda adag oo Itoobiya ay ku wajahday.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa hal-heya looga dhiga “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah Caalamka uga wada shaqeeyo horumarinta Nabada, Xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

343950cookie-checkWasiirka 1-aad oo ka qayb galaaya Meertada 79aad ee Qaramada Midoobey..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *