Sacuudiga Oo Bedelay Astaantii Lagu Xakameynaayay Dadka Aan Islaamka Aheyn

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Dalkaasi ay bedeleen Boor astaan ah oo ku qorneyd “Muslimiinta Kaliya” kuna dhegganeyd waddo gasha Masjidka Nebiga SCW ee magaalada Medina, oo ah goobta labaad ee ugu barakeysan Islaamka kadib Makkah…

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya in waddaddii lagu fujiyey astaantaas lagu dhejiyey mid cusub oo ah “Aagga Xaramka” oo loola jeedo Xaramka Medina, Ma cadd sababta ay dowladda Sacuudiga u qaaday tallaabadan, mana jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay dhiiri-gelineyso in gaalada ay tegi karaan magaalada, xilli ay dooneyso inay sare u qaaddo dalxiiska.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta Sacuudiga ayaa amaanay tallaabadan ayaga oo sheegay inay muujineyso in boqortooyada ay dulqaad u muujineyso dadka aan Muslimiinta aheyn oo laga mamnuucay inay galaan goobaha barakeysan.

121760cookie-checkSacuudiga Oo Bedelay Astaantii Lagu Xakameynaayay Dadka Aan Islaamka Aheyn