Share the post "Wasiirka 1-aad Oo Sheegay in Caasimada Laga Bilaabi doono Doorasho Qof & Cod ah.."
Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee Dalka laga qabanayo, isla markaana uu Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir ee caawa xilka la wareegay noqon doono kii ugu dambeeyey ee ku yimaada magacaabis…
“Waxaa naga go’an in talada Dadka dib loogu celiyo oo magaalada Muqdisho Dadkeedu ay soo doortaan Hogaankii matali lahaa, waxaana rajeynayaa Gudoomiyaha cusub ee caawa xilka la wareegay in uu noqdo Gudoomiyihii ugu dambeeyey ee magacaabis ku yimaada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlayey munaasabadda uu xilka kula wareegayey Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Benaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyihii hore ee Gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale shaqooyinkii uu ka qabtay Amniga iyo Horumarinta Muqdisho mudadii uu xilka hayay.