Dhaqdhaqaaqa Duulimaadyada Gudaha/Dibeda Ee Garoonka Oo la Joojiyay

Somalia news

Iyadoo maanta lagu qabanaayo Doorashada Xilka Madaxweynaha teendhada Afisioni ayaa waxaa la sheegay in Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho uu shaaciyay in hakad la geliyay dhammaan duulimaayada diyaaradaha ee gudaha iyo dibadda ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ilaa maalinta Isniinta 16-ka bishaan May…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Maareeyaha Maamulka Mr.Cabdinaasir Maxamuud Gureey oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababta duulimaayada Garoonka Muqdisho loo hakiyay ay tahay mid la xiriirta doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Somalia.

Wuxuu intaasi raaciyay Maareeyaha in dib loo furi doono duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde maalinta Isniinta ee berri ah, isla markaana howlaha ka socday Garoonka ay ku soo laaban doonaan si caadi ah, waxaa sidoo kale Bandow lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa Gaadiidka & Dadka ee Caasimada.

188820cookie-checkDhaqdhaqaaqa Duulimaadyada Gudaha/Dibeda Ee Garoonka Oo la Joojiyay