Wasiirka Arrimaha Dibada Djibouti Oo Saadaaliyay in Wada Hadalada Turkigu Garwadeen ka Yihiin…

Africa News Somalia news

Wareysi uu Wasiirka Arrimaha dibada ee Djibouti siiyay Wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu ku sheegay ineysan Dowlada Turkigu guul ka gaari doonin dhexdhexaadinta Somalia & Ethiopia ee ku wajahan arrinta Badda oo ay hadda isku dayo kulamo oo ay qabteen laba jeer ay ku fashilmeen…

Wasiirka ayaa Wargeyska u sheegay in Ethiopia ku taagan tahay damaca fulinta ajendaheeda ku aadan Is afgaradkii ay la gashay Maamulka Waqooyiga ee Somaliland, oo aysan ka tanaasulin, taasoo meesha ka saaraysa ayuu yiri in Heshiis kama dambeys ah ay gaaraan labada dal.

Max’ed Cali Yuusuf ayaa sheegay in ay dhankooda wadaan qorshe dhexdhexaadin ah, balse wuxuu diiday sheegida macluumaad dheeraad ah gabi ahaanba, taas oo muujinaysa in ay Jabuuti ku howlan tahay isku keenida Soomaaliya & Itoobiya, oo ay wali dhexda taagan tahay, laakiin dhanka Addis Ababa ayaa la aaminsan yahay in aysan kalsooni ku qabi karin doorka Djibouti.

“Madaxweyne Geelle, wuxuu aad uga shaqeeyaa sidii labada dal isku fahmi lahaayeen, labada dhinacba wuu la hadla si xiisada loo dhimo, loona gaaro heshiis kama dambeys ah, sababtoo ah bishii Feb waxaan qabanay IGAD ahaan shir deg deg ah oo kiiska looga hadlayay, layskuna raacay ixtiraamka madax banaanida dalalka gobalka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Djibouti.

339640cookie-checkWasiirka Arrimaha Dibada Djibouti Oo Saadaaliyay in Wada Hadalada Turkigu Garwadeen ka Yihiin…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com