Xubno Horjoogayaal Ah Oo La Amray In Hantodooda La La Wareego

Somalia news

Sida uu qoray Wargeyska Financial channel, Dowladda UK ayaa amartay in 330 Xubnood oo Lagu Eedeeyay iney yihiin Horjogayaal ka tirsan Kooxaha argagixisada in la la wareego hantidooda, waxaana lagu baaqay Dowladaha Aduunka iney gacan ka geystaan sidii loo fulin lahaa amarkaan…

Horjoogayaashaan oo ka kala tirsan Kooxaha argagixisada Ee Alqaa’ida, Isil (Daacish) iyo Kooxda Shababka, Xubnahaan ayaa u badan Horjoogayaal ka soo jeeda Dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Dalalka Khaliijka Somalia waxaa Liiskaan kaga jira Horjoogayaal ay ka mid yihiin Maxamed Cabdulahi Ciise oo laga soo masaafuriyay Dalka UK iyo Xasan Daahir oo xabsi guri ku ah Magaalada Muqdisho.

Warbixintaan laguma faahfaahin hantida ay Horjoogayaashani ay leeyihiin, balse waxaa lagu Eedeeyay iney kooxaha argagixisada u fidiyaan Taageero dhanka Maaliyada iyo Sahayda, waxeyna xubno firfircoon ka yihiin Kooxaha argagixisada Caalamiga ah ee diiwaan gashan.

hoose ka Akhri:- https://www.finchannel.com/world/opinion-3/78463-uk-government-has-ordered-to-freeze-assets-of-additional-300-persons-related-to-isil-and-al-qaida

64910cookie-checkXubno Horjoogayaal Ah Oo La Amray In Hantodooda La La Wareego