Wasiirka Maaliyada Jubbaland Oo Qiil U Yeelay..

Politics

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa qiil u yeelay tallaabadii, ay Jubbaland kaga hortimid ka qaybgalka kulamada looga hadlayo barnaamijka dayn cafinta Somaliya.

Jubbaland ayaa Arbacadii cadeysay inay hakisay ka qaybgalka shirarka looga dayn cafinta Somaliya, sababo ku aadan Dowladda Federaalka oo Jubbaland duulaan ku ah.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay laba arrimood ugu weyn tahay sababta ay u hakisay ka qaybgalka shirarka ku aadan dayn cafinta, midda koobaad oo ah Dowladda Federaalka oo duulaan ku soo qaaday Jubbaland iyo midda labaad, oo uu ku sheegay in uu ka baqayo xarig ay dowladda kula kacdo, haddii uu ka qaybgalo shirka ugu soo horeeya ee toddobadka dambe ka dhici doono Magaalada Baydhabo, ee looga hadlayo dayn cafinta dalka.

Wasiirka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa tilmaamay inaanay Madaxda Jubbaland sii mari karin Magaalada Muqdisho, iyagoo ka baqaya in la xiro amaba inta basaboorada laga qaado, dibna loogu celiyo Magaalada Kismaayo.

Wasiir Jire ayaa sheegay in laba illaa saddex toddobad ka hor ay dhacday in Wasiirka Xanaanada Jubbaland basaboorkii uu watay looga qaaday Garoonka Aadan Cadde, deetana dib loogu soo celiyay Magaalada Kismaayo. 

Cabdirashiid Jire Qalinle, Wasiirka Maaliyadda Jubbaland ayaa sheegay in ay Wasaaradda Maaliyadda Federaalka la wadaageen inaanay Jubbaland taggi doonin shirka Baydhabo iyo kuwa kale, ee mustaqbalka looga hadli doono arrimaha dayn cafinta.

Tani ayaa waxay culeys ku keeni doontaa barnaamijkii dayn cafinta, ee ay garwadeenka ka ahayd Dowladda Federaalka. Qorshaha daynta looga dhaafi karo Somaliya ayaa ku cad in Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyadu ka wada shaqeeyan arrimahaasi.

20420cookie-checkWasiirka Maaliyada Jubbaland Oo Qiil U Yeelay..