Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland Oo Geeriyooday

Health

Wasirkii Waxbarashada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim ayaa ku geeriyooday dalka India, kadib markii muddo uu ku xanuunsanaa halkaasi…

Geerida wasiirka oo ay xaqiijiyeen eheladiisa iyo maamulka Jubbaland ayaa timid markii uu in muddo ah ku xanuunsanaa Dalka India, iyadoo dalkaasi loo geeyay si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Macalin Maxamed Ibraahim ayaa ka mid ahaa siyaasiyiina hore ula heshiiyey Axmed Madoobe isagoo xilal wasiir ka qabtay maamulka Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam, madaxwayne ku-xigeenbada, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland ayaa tacsi u diray qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka.

32360cookie-checkWasiirkii Waxbarashada Jubbaland Oo Geeriyooday