Arrimaha Caafimaadka:- Caruur Badan Oo Shuban Biyood ku Dhacay Gobolka Hiiraan..

Health Somalia news

Warar Cafiimaad ayaa daaha ka rogaaya in Ugu yaraan 18 qof oo u badan Caruur ayaa u geeriyoodeen CudurkaDhiban- biyoodka ka dilaacay Degaanka Xawaadley iyo Tuulooyinka ku dhow ee Gobolka Hiiraan, isla markaana tiro intaas ka badan ayaa la dhigay Xarumaha Caafimaadka saacadihi la soo dhaafay…

Wararka ayaa sheegaya in Cudurkaan uu ku sii fidaayo Tuulooyin yar yar oo ku yaal Gobolka, iyadoo dadku aysan jirin xarumo caafimaad oo lagu daryeelo Bukaanada Caruurta u badan oo uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, iyadoo dhawaad ​​50-Caruur oo kale ay la il-daran yihiin cudurkaan.

Wararka ayaa sheegaya in Cudurka shuban biyoodka ayaa bishii hore ka dilaacay magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte, kaasi oo galaaftay nolosha ku dhawaad ​​30 qof oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn oo ka barakacay fatahaada wabiga Shabeelle.

306330cookie-checkArrimaha Caafimaadka:- Caruur Badan Oo Shuban Biyood ku Dhacay Gobolka Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com