Xaqiiqooyinka Ku Xeeran Ku Biiritaanka Somalia ee Ururka EAC

Somalia news

Kadib markii Ururka EAC uu ku guuleystay isku xirka Baddaweynta India iyo Altantigga, iyadoo loo maraayo oggolaanshaha ku biiritaanka Ururka ee Dalka DR Congo, ayeey hadda isha ku hayaan mid ka mid ah Dalalka ugu xeebta dheer Qaarada Africa kaasoo ah sidii loogu oggolaan lahaa Somalia..

Falanqeeyayaasha arrimaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha ee Ururka EAC farta ku goday in dadaalada loogu jiro iney Somalia ku biirto Ururkaan ayaa ujeedadiisu ugu weyn tahay sidii loo xakameyn lahaa Kaluunka oo boob ba’an ay ku hayaan Ciidamada Badda Ee Dalalka Europe iyo kuwa Bariga Fog ee Aasiya.

Xoghayaha guud ee Ururka EAC Mr.Peter Mathuki ayaa sheegay “Kubiiritaanka Somalia, waxeyna EAC u keeneysaa faa’idooyin badan marka loo eego ilaha dhaqaalaha Buluuga ah sida Kaluunka”, wuxuuna carabka ku adkeeyay in codsiga Somalia ay dan dhaaaale u tahay Dalalka ku bahoobay Ururka EAC.

Sikastaba ha ahaatee, si ka duwan Kiiska DR Congo ee Sanadkii hore, ayaa ansixinta Codsiga Somalia ee ja mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Africa ayaa waxaa laga yaabaa inuusan wax badan ka bedelin Dhaqdhaqaaqyada isku talaabida Dadka iyo Ganacsiga Gobolka.

237850cookie-checkXaqiiqooyinka Ku Xeeran Ku Biiritaanka Somalia ee Ururka EAC
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com