Shaashada Caalamka ayaa in muddo ah indhaha ku haysay colaadaha ka kala socda qaarada Yurub iyo qaarada Aasiya gaar ahaan Bariga Dhexe, haba ugu horeysee Isbedelka dhiig badan ku daatay ee ka dhacay Dalka Syria, iyadoo Kooxaha hubeysan ee Suniyiinta ay talada Dalka la wareegeen…
Isbedelkaan ka dhacay Dalka Syria ayaa u muuqda mid lugaha lasii galaaya Dagaal sokeeye, kadib markii kooxaha kala gedisan ee talada la wareegay ay taageerayaashooda ay bilaabeen iney ka aargoostaan Beelaha Calawiyiinta ee Maamulkii Bashar Al Asad uu kasoo jeedo, iyadoo Kooxaha mucaaradka ee lagu magacaabo HTS waxey ku guuleysteen inay magaalada Allepo dowlada kala wareegaan kadibna ay mudo gaaban gudaheeda magaalooyinka isku fidiyaan.
Dagaalkii sokeeye oo ka soo Bilaaday Syria Sabadkiu 2011-kii
Dagaalkaan ayaa qarxay kadib markii ay kordheen Gaboodfalka xukuumada Bashar, kooxaha mucaaradka ayaa u-saamaxday inuu fikirkooda xoogeysto oo ay xuubsiibtaan mucaarad hubeysan waxaana ugu weyneyd jabhadii Syria Free Army oo ahayd kuwa ay hogaaminayaan dagaalyanno sunniyiin ah oo hore uga tirsanaa kooxdii al-Qaacida ee dalka Ciraaq ka dagaalamaysay.
Dagaalkii sokeeye ee Suuriya ayaa laga dhaxlay inuu dalka burburo oo sadex qeybood u qeybsamo. Gobolada Waqooyi Bari waxaa qabsaday jabhada Kurdida, iyagoo garab ka haysta Mareykanka, deegaankaas oo hodan ku ah shidaalka Suuriya. Dhanka Waqooyi Galbeed waxaa qabsaday kooxaha Sunniyiinta oo iyaga haysta taageero xoog badan maadaama sunnida ay yihiin dadka ugu badan wadanka Suuriya oo muddo dheer xukunka ka maqnaa maadaama ay dalka haysteen isbahayesi ay hogaamiyaan Calawiyiinta oo iyaga kamid ah dadka tirada yar, kooxdaan sunnida oo markii danbe la baxday Hayat Tahrir Al-sham (HTS) ayaa ku tiirsaneyd dalka Turkiye oo isaga xuduud la leh dalka Suuriya, dagaalna kula jira kooxaha Kurdida ee xarumaha ku leh gobolada Kurdida degto ee Suuriya.
Dadka u dhuun daloola Arrimaha Dalja Syria ayaa welwel ka muujiyay Mustaqbalka Dalkaasi, iyadoo Garabyada hubeysan ee Dalkaasi weli ku jiraan dabaaldegyo iyo Argoosi lagula kacaayo qeybaha Calawiyiibta, Drusiga iyo Kirishtanka Dalkaasi ku nool, Siyaasada Bariga dhexe ayaan weli fadhin waxaana lagu eedeeyaa in Dalka USA iyo Xulafadiisa ay mas’uul ka yihiin dhibaatada iyo Dagaalada ka taagan Dalalka Ciraaq, Syria, Lebanon iyo Dhulka Palestine.