Xaalad Adag Oo Laga Soo Sheegaayo Dhuusa mareeb..

Politics

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya Mr.Farmaajo iyo Kaaliyayaashiisa ay kordhiyeen culeysyo la saaraayo Taliyha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame iyo Saraakiisha Ka timid Hogaanka Suufiyada…

Danjiraha Mareykanka iyo Mr.Farmaajo ayaa ka caroodeen amar diido uu sameeyay Taliye Mascuud, taasoo ku aadaneyd inuu Muqdisho u soo wareejiyo Hoggaamiyaha Ahlu-Suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, si xabsi loo dhigo.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xafiiska Villa Somalia uu bilaabay qorshe ugub ah, oo ujeedkiisu uu yahay in hubka iyo xilkaba looga wareejinayo General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in gunooyinka laga jaray Saraakiishii Ahlu Sunna ee la qarameeyay, kadib markii lagu eedeeyay in ay iska diideen ka qayb qaadashada weerarkii Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, waana midda keentay in dowladdu gurmad ka dirto Magaalada Muqdisho.

20220cookie-checkXaalad Adag Oo Laga Soo Sheegaayo Dhuusa mareeb..