Maxey Salka ku heysaa Dhiig-daadinta & Gubista Gaadiidka Ee kooxda Shabaabka

Somalia news

Muddo dhowr iyo toban sano ayeey Horjoogayaasha kooxda Shababka ku marin-habaabinaayeen Shacbiga Soomaaliyeed iney dhisayaan Dowlad Islaami, iyagoo baneystay Dhiiga Shacbiga iyo hab-dhaqan burinaaya sheegashadooda iney Shareecada Dalka ku maamulayaan..

Dhaqanada foosha xun ee la soo shir-tageen waxaa ka mid Dil wadareedka dadka aan waxba galabsan, gubida Guryaha dad ku nool yihiin iyo Gaadiidka Xamuulka ee Dhuxusha iyo adeegsiga Haweenka hub ahaan, dhamaan ficiladaan waa kuwo loo diiwaan geliyay kuwaasoo baal marsan sheegashadooda bugta ah.

Dhaqankaan dhiig daadinta oo aan meelna ka soo gelin DIinteena Islaamka ah iyo dhaqanka suuban ee Somalia, waase mid laga soo minguuriyay Dalal shisheeye kuna saleysan cabsi gelin iyo baneysiga boobka hantida iyo dhiiga Ganacsatada iyo Shacbiga Soomaaliyeed, ayaan darrse ilaa ma helin Dowlad ka difaacda kooxda ma-naxayaasha ah.

187740cookie-checkMaxey Salka ku heysaa Dhiig-daadinta & Gubista Gaadiidka Ee kooxda Shabaabka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com