Xaalada Caasimada Iyo Ciidamo Is-Horfadhiya

Somalia news

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa sare u kacay Xaalada amaan Ee Caasimadda, iyadoo labada dhinac ay ku jiraan diyaar garow iyo ababul xoogan kuna aadan Banaanbaxa berito lagu wado in lagu qabto Fagaaraha Daljirka dahsoon, inkastoo dhawaaqyo cabsi gelin ah ay Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday uu hawada u mariyaan Kooxaha Mucaaradka…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madasha Midowga Musharixiinta ay qeybo kala duwan ku diyaariyeen Bananbaxayaal sidoo kale Dhakhaatiirta, Kalkaaliyaal iyo Ambalaasyo ayeey dhinaca kale ka diyaariyeen sidii ay Bananbaxayaasha loogu fidin lahaa Gargar Caafimaad.

Sidoo kale Ciidamo gaaraya 400 oo ku Hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa loo diyaariyay iney sugaan Amaanka goobta banaanbaxa, waxaana Xarun Dhexe ay Maamulayaasha Banaanbaxa xarun KMG ah ka dhigteen Hoteel Maa’ida ( Ex Dhismaha Safaaradii China).

Amniga Madaxtooyada ayaa la sheegay in Ciidamo Xoojin la geeyay, Waxaa kale la sheegay Hey’adda NISA ay Ciidamo Dharcad ah oo Hubeysan ay ku qorsheysay iney ku dhex sii dhex deyso, iyagoo fariisamo ka dhigtay Taliska NISA Ee Gobolka iyo Wasaarada Caafimaadka, iyadoo laga digay in Ciidamadaan Dharcadka ay khalkhal gelin karaan amniga goobta Banaanbaxa.

95870cookie-checkXaalada Caasimada Iyo Ciidamo Is-Horfadhiya