Mas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa wajahaya Baaris+Xariga & Eedo la xiriira musuq maasuq baahsan

Somalia news

Talaabo (Ugaarsi Siyaasadeed) shaki badan uu ku geedaman yahay ayuu qaaday Madaxweynahu, isagoo ku fasaxay in la soo xiro in ka badan 70 Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Xilal ka haya Maamulkiisa iyo kuwii ka horeeyay, kuwaasoo ay ku jiraan ugu yaraan Hal Ra’iisul wasaare hore, xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo Agaasimayaal guud iyo Danjirayaal oo lagu eedeeyay musuq maasuq sida laga soo xigtay ilo xog ogaal u ah Fadeexadan…

Shaqsiyaadka la doonayo in la soo xiro ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada, Bankiga Dhexe, Maamulka Garoonka Diyaaradaha, Hoggaanka Socdaalka iyo Xubno ka tirsan Hay’adaha Amaanka ee ka howlgala Garoonka Diyaaradaha, waxaana durbadiiba ka baxsaday Saddex Mas’uul oo ka tirsan Dowladda ayuu si hoose ugu sheegay Wasidaha Diinah.com news codsadayna in aan magaciisa la shaacin, iyadoo Agaasimihii Canshuuraha Beriga (Muxyadiin Saabeey) oo u baxsaday Degaanka uu Diyaarad khaas ah ka raacay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar gaarayna magaalada Nairobi.

Magacyada Mas’uuliyiinta Warqada soo Qabashada loo jaray:-

-Masuul katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

-Bashiir Cabdullahi Faarax Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Arimaha Dibadda.

-Agaasime katirsan Dowladda Hoose ee Gobolka Banaadir.

-Danjire Maxamed Axmed Nuur Tarsan Safiirka Somalia ee Kenya.

-Maxamuud Macalin Cabdulle Maareeyaha Hay’adda SODMA ee Gargaarka.

-Danjire Maxamed Cali Nuur Xaaji Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Dibadda.

-Axmednur Maxamed Uleex, Xoghayihii hore Xafiiska Ra’iisul Wasaaraaha xiligaan ah La-Taliyaha Wasiirka 1-aad

-Yaxye Ali Hareeri Xiriiriyihii Hay’adaha Gargaarka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraaha.

Si kastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha ayaa waxaa shaki ka muujiyeen sida Madaxweynaha uu uga go’an yahay ciribtirka musuq-maasuqa, isagoo qaar ka mid ah qoyskiisa ay qeyb ka yihiin Ololaha Boobka, wuxuuna ku dhiiraday inuu kala diro Guddigii Madaxabanaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa dhowr bilood oo uu xilka hayay, welina uusan dhisin Hay’ad cusub oo la-dagaalanka musuq-maasuqa.

263070cookie-checkMas’uuliyiin Soomaaliyeed ayaa wajahaya Baaris+Xariga & Eedo la xiriira musuq maasuq baahsan