Xiisado Colaadeed & Afduubyo ka Dhex Qarxay Beelo Wada Dega Gobolka Galguduud & Sababta ka Dambeysa…

Security Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay xiisado Colaadeed, Afduub iyo ugaarsi Dadka ka soo kala jeeda jeeda Beelaha Murusade iyo Waceysle ee wada dega Degaanada Gobolka Galguduud, Xiisadaan ayaa ka bilaabatay kadib markii Horjooge Shababka ka tirsan la soo qabtay una dhashay Beesha Murusade…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Xoogaga Macawisleyda Beesha Waceysle ay Todobaadkii hore ay degaanada Beesha Murusade ka soo qabteen Horjooge Cali Geelle oo ka tirsan Kooxda Shababka asl ahaan y dhashay Beesha Murusade, wixii ka dambeeyay qabashadaasi Waxaa la xaqiijiyay in Labada dhinac ayaa iska afduubtay ugu yaraan 5 qof oo heyn ahaan loo afduubtay.

Iyadoo laga cabsi qabo in xiisadani ay u soo gudubto magaalada Mogadishu, Horjooge Cali Geele oo u dhashay beesha Murusade ayaa waxaana la wareegay Ciidamada Dowlada Federaalka markii la geeyey Ceeldheer, kadibna waxaa loo soo qaaday Muqdisho, si loo baaro inuu Shabaab yahay.

Soo qabashada Eedeysanaha ayaa la sheegay iney Beesha Murusade u afduubteen 2-Nin oo ka soo jeeda Beesha Waceysle kuwaasoo Xoolo dhaqato ahaa, Talaabo taas lamid ah ayey qaadeen maleeshiyaadka beesha Waceysle, waxayna soo afduubteen ugu yaraan saddex qof oo Murusade ah, kuwaas oo hadda lagu hayo aagga degmada Ceeldheer.

344110cookie-checkXiisado Colaadeed & Afduubyo ka Dhex Qarxay Beelo Wada Dega Gobolka Galguduud & Sababta ka Dambeysa…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *