Madaxweynaha Somalia Oo Kulan la Qaatay Xildhibaanada Beesha Xawaadle

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan gaar ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka shalay galinkii dambe la yeeshaan Xildhibaanada iyo Senatorada Beesha Xawaadle ku metela 2-Aqal, kuwaasoo dhawaan soo bandhigay tabashooyin ay ka qabaan Hanaanka Qeybsiga Xilalka Dowladda Federaalka..

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Kulankaan uu dalbaday Mr.Xasan Sheekh isla markaasna ahaa mid alaabada u xiran, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu dareen ka qaaday qeylo dhaanta sida uu u maareeyay saami qeybsiga Xilalka Dowladda isagoo Beelo sadbursi dheeraad siiyay halka kuwa kale uu ka tagay.

Kulankii Nairobi ayeey Beeshaan iska soo xuleen 3-Xubnood oo kala ah Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Sambaloolshe oo beesha uga wakiilka noqonaya sii wadista wadahadalada ay la leeyihiin dowladda, si loo xaliyo tabashooyinkooda, waxeyna ka codsadeen Madaxweynaha in Isbitaal laga hirgeliyo magaalada B/weyne bacdamaa Maamulka Xasan Sheekh ku fashilmay inuu sugo Amaanka Bukaanada dagaalka Shababka ku soo dhaawacmay.

246150cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Kulan la Qaatay Xildhibaanada Beesha Xawaadle
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com