Banaanbaxyo aad u balaaran oo ay ka qeyb galayaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa xiligaan ka socda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana banaanbaxa looga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle, iyo Safarka Cali Giudlaawe…
Banaanbaxayaasha ayaa xirtay wadada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ahaaneed ee magaalada Baledweyne iyagoo wadada ku jaray taayaro ay gubeen iyo dhagxaan, iyagoo taageero u muujiyay Hogaamiyaha Maleeshiyaadka ku sugan Duleedka Magaalada B/Weyne.
Dibadbaxaan ayaa sidoo kale imaanaya xili ciidamo isugu jira Ciidamada Xooga Dalka, Boliiska iyo Nabadsugida ayaa goordhaw u jiheystay dhanka fariisimaha ciidamada Mr.Xuud, inkasto ilaa hadana uusan dhicin wax iska hor imaad ah balse xili walba laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal u dhaxeeya ciidamada Xuud taabacsan iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Xiisadaha ayaa soo shaac baxay kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu Afduubtay Doorashada Hir-Shabelle isla markaasna uu Meel kaga dhacay Saami qeybsigii Beelaha ku bahoobay Hir-Shabele, iyadoo ay talaabadaasi dhalisay in Mr.Guudlaawe laga hor istaagay inuu ka degto Magaalada B/Weyne kuna shaqeeyo Maamulkiisa.