Ma Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha ee Beled weyne uu u Xiramay Muran ka Dhashay Canshuuraha…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maalintii 2-aad uu hakad ku jiro Howlihii Duulimaadyada ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada, kadib markii la sheegay inuu khilaaf ka dhashay qaadista Canshuuraha…

Wararka ayaa sheegay in khilaafka uu la xiriiro is-qabqabsi iyo muran ka taagan dhaqaalaha Canshuurta kasoo xaroota Garoonka oo u dhaxeysa Mas’uuliyiinta ka wada tirsan Maamulka gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka (Dabageed) iyo Wasiirka Duulista Hawada Muuse Salaad, iyadoo la xaqiijiyay in Marka laga reebo Duulimaadyada Ciidamada Djibouti ee Amison ay ka soo degaan Garoonka.

Ma ahsn markii ugu horeysa ee Garoonka la xiro, iyadoo dhibaatada ugu badan ay saameysay Dadka Socotada ah iyo kuwa Bukaanka ah ee degaanka oo dhibaato weyn ku qaba Khilaafka ka dhashay Xirnaanshaha Garoonka, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Hirshabelle, horey ayas 24-kii Bishii hore waxaa Garoonka xiray Gufoomiyihii Gobolka ee Xilka laga qaaday (Cali Jeyte).

277480cookie-checkMa Dhabaa in Garoonka Diyaaradaha ee Beled weyne uu u Xiramay Muran ka Dhashay Canshuuraha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com