Maamulaha Xawaalada WorldRimit oo lagu Eedeeyay Kala Qeybta Shacbiga Soomaaliyeed..

Somalia news

Maamulaha guud ee Xawaalada WorldRemit, Ismaaciil Axmed oo lagu eedeeyay Naceybka Soomaalinimada ayaa muddo ku howlanaa/Maalgelinaayay sidii loo kala fogeyn/qeybin lahaa Waqooyi iyo Konfurta Shacbiga Soomaaliyeed, isagoo adeegsanaaya Xawaaladiisa, Ganacsadahaan ayaa lagu xantaa inuu xiriir la leeyahay Sirdoonka Ethiopia..

Shaqsigaan ayaa maamula Xawwalada (WorldRimit) iyo 3-Ngo kuwaasoo kale oo kala ah Sahmiye Foundation, SahanBook iyo app-ka Daarzi, Muwaadiniintana looga digay iney adeegsadaan, Maamulahaan ayaa muddo gaaban Bartiisa Facebook soo geliyay laba Qoraal oo mid uu ku taageeraayo Heshiiska Is-fahanka Ethiopia & Somaliland, halka mid kale uu ku calaacalaayo in ugaarsi lagu hayo Ganacsigiisa.

Wuxuuna intaasi raaciyay in Shirkadiisa WorldRemit, inuu Ganacsiga Xawaalada ka xoogsada kuna faanay in dhaqdhaqaaqa Xawaaladiisa ay Konfurta iyo Bartamaha Dalka lacagaha ay u kala xawisho ay ka hooseyso 0,3-%, Xawaalada xoogeedan ay ka howlgasho Dalka Ethiopia.

Mr.Ismaaciil ayaa Jufo ahaan ku taageersan Muuse Biixi, isagoo lagu naasnuujiyo Qandaraasyada Maamulka uu bixiyo, wuxuuna isku qalday Ganacsiga iyo Mehereda Xawaalada, taasoo xiligaan wajahaayo cadaadis ah in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay bilaabeen iney adeegsadaan Xawaalada WorldRimit.

299470cookie-checkMaamulaha Xawaalada WorldRimit oo lagu Eedeeyay Kala Qeybta Shacbiga Soomaaliyeed..