Xiisado Ka Taagan Konfurta Gaalkacyo

Politics

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay dib uga soo cusboonaatay xiisad dagaal oo u dhexaysa ciidanka Kumaandooska dowladda ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubeysan…

Waraka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyo-beeleed hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka isku L gedaameen Fariisinka Ciidanka DANAB ay ku leeyihiin Koonfurta Gaalkacyo waxaana sida la sheegay ay dalbanayaan in si deg deg ah loo soo daayo Ganacsade u dhashay Beeshooda oo habeen ka hor ay xabsiga dhigeen Ciidamada DANAB.

Ma aha markii u horeysay uu iska-horimaad noocaan oo kale uu dhaco, Labada dhinac oo haatan isku horfadhiya koonfurta Gaalkacyo ayaa laga cabsi qabaa in halkaas dagaal ku dhexmaro waxaana agagaarka la isku hor fadhiyo ka socda barakac ay samaynayaan dadka degaanka si aan loogu dul-dagaallamin.

Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayan in aysan sii dayn doonin Ganacsadaha xiran islamarkaana ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadayaan malayshiyaadka hor fadhiya haddii aysan dib u laaban.

36300cookie-checkXiisado Ka Taagan Konfurta Gaalkacyo