Maxaa Ka Run ah in Madaxtooyada ay soo Faro gelisay Kulankii Baarlamaanka ee Berito..

Somalia news

Kadib Culeys ka yimid Madaxtooyada Dalka ayaa waxaa la baajiyay Kulankii Golaha Shacabka ee loo balansanaa in berri oo Axad ah ay hor-timaado Golaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowso Maxamed Igaal, si su’aalo looga weydiiyo qalalaasihii maalmo ka hor ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee la xiriiray lacagta US$-9 lagu soo rogay rakaabka raaca duulimaadyada gudaha…

Qoraal loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay inuu kulanka berri uu baaqday, sabab aan la sheegin, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dadaalo si wadajir ah u galeen Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lagu baajiyay kulanka berri, si looga hortago su’aal weydiinta Wasiirada.

Sidoo kale warar soo baxaya sheegayaan in wali ay taagan tahay arrinta shirkadda HornLink ee qandaraaska loo siiyay inay lacagaha ka qaado xogta rakaabka diyaaradaha Local-ka, waxaana jirta cabasho weli arrintan ka taagan oo la doonayo in la socodsiiyo.

313590cookie-checkMaxaa Ka Run ah in Madaxtooyada ay soo Faro gelisay Kulankii Baarlamaanka ee Berito..