Kenya Oo Xakameyn La’ Weerarada Shabaabka..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya kulan wada tashi ah uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya,Xildhibaanada, Madaxda Degaanada Waqooyi-bari Kenya, iyadoo looga dooday xaalada cakiran ee degaanadaasi ka taagan oo la xakameyn waayay weerarada joogtada ah ee kooxda Shabaabka ka fuliso.

Kulankaasi ayaa la sheegay iney ka soo qeyb galeen Xildhibaanada Somalida Kenya Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gaarisa,Wajir iyo Mandheera, iyadoo looga dooday xaalada sii xumaaneysa ee Degaanadaasi iyo weerarada joogtada noqday,Mr.Uhuuru ayaa u qabtay Madaxda Soomaalida iney muddo 14-maalmood u qabtay iney xal waara oo nabadeed ku keenaan xakameynta weerarada kooxda Shabaabka.

Xogo sirdoon ayaa sheegaya in kulankaasi Sidoo kale looga dooday xirnaanshaha xadka Somalia iyo Kenya iyo xakameyn la’aanta weerarada Shabaabka, iyadoo Ciidamada Kenya ay ku fashilmeen iney ka hortaagan weerarada joogtada ah oo aad loo kordhiyay ilaa bilowgii sanadkaan,iyadoo la bartilmaameedsaday Dugsiyo,Xarumo Ciidamada, kuwa Isgaarsiinta iyo basaska ka shaqeeya Degaanada Soomaalida.

Sida laga soo xigtay Saxaafada Maxaliga ah,Maamulka Uhuuru ayaa tibaaxay in beenta loo sheego Shacbiga Kenya ay saameyn ku yeelatay weerarada Kooxda Shabaabka, iyadoo Dhalinyaro degaanka ah oo shaqo la’aan iyo nolol xumo ku heysta ay ku dhiiradeen iney qeyb ka noqdaan Kooxda Shabaabka.

19160cookie-checkKenya Oo Xakameyn La’ Weerarada Shabaabka..