Share the post "Xildhibaanada & Senatorada Federaalka oo ka Doodaaya Hindiso Sharciyeeyada Guddiga Doorashooyinka.."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan wadajir ah oo maanta u balansan yihiin Xildhibaanada iyo Senatorada Baarlamaanka maanta ku yeelan doonaan magaalada Mogadishu, iyadoo ay uga doodi doonaan Hinse Sharciyeedka Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha..
Qoraal war-gelin ah oo loo diray Xildhibaanada iyo Senatorada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa laga codsaday iney soo xaadiraan Kulanka oo ku saabsan ansixinta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Ajandaha Fadhiga ayaa lagu sheegay Akhrinta Saddexaad iyo u Codaynta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, sida ku cad Wargelinta lala wadaagay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.
Wargelinta waxa lagu xusay in sidoo kale Ajandaha Fadhiga berri uu ku jiro Akhriska labaad ee Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.