Doorashada Iyo Saameynta Sanadkaan Dalalka Iyo Dhaqaalaha

Somalia news

Doorashada Sanadkaan ayaa la aamisan yahay iney ka xiiso iyo dardar badan tahay tii ugu dambeysay, waayo waxaa la filayaa iney Saameyn weyn ku yeelan doonaan Dowlado Shisheeye oo xiligaan diyaar u ah iney Maalgeliyaan Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynenimo..

Musharixiinta ayaa sidoo kale la sheegay iney guluf ugu jiraan sidii ay tiro Xidhibaano ah u maalgeliyaan si ay uga helaan codkooda, waxaana muuqda astaamo muujinayaa in durbadiiba ay bilaawdeen dhismaha isbaheysiyo kooxeed oo mareegto isku xiran kuwaasoo sidoo kale xiriiro la leh Dal shisheeye oo Maalgelinaaya sidii loo soo saari lahaa Tiro badan oo Xildhibaano ah.

Dalalka Sacuudiga iyo UAE ayaa sanadkaan la saadaalinayaa iney safka hore ka geli doonaan maalgelinta iyo saameyntooda dhaqaale Musharixiinta iyo Xildhibaanada, waxeyna doonayaan iney meesha ka saaraan Saameyntii siyaasadeed Ee Dalalka Qatar iyo Turkey oo muddo 4-sano ah Maamulka Farmaajo ka hagaayay daaha gadaaahiisa si ay danahooda u gaaraan.

Sanadkaan Waxaa la filayaa in dhaqaale ka buuran kii 4-sano ka hor uu ku bixi doono Xulashada Xildhibaanka, waxaana laga hadlayaa ugu yaraan qiyaastii 300-Kun US$ uu ku soo bixi doono halkii Xildhibaan, ku darsoo Masharaxa Madaxwwynenimo Waxaa la qiyaasayaa inuu ku soo bixi karo 305 xubnood oo labada gole ka tirsan kuwaasoo midkiiba uu doonaayo in ugu yaraan soo ceshado dhaqaalaha kaga baxay Kursiga.

Maxey Kula Tahay!!?

122960cookie-checkDoorashada Iyo Saameynta Sanadkaan Dalalka Iyo Dhaqaalaha