Gudoomiyaha Barlamaanka Oo Is-Hortaagay Sharciga Matalaada Muqdisho

Somalia news

Gudoonka Barlamaanka iyo Tiro Xildhibaanadda, Daarood, Digil iyo Mirifle ayaa diidan in mataladdeeda Aqalka sare la ansixiyo iyagoo ku andacoonaya in dadka gobolka Banaadir aysan ogoleen in beelahooda ay wax la qeybsadaan….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Dhammaan Xildhibaanadda ayaa wada jooga Villa Hargeysa, waxaana soconaya kulamo doceedyo  lagu qanciyo in qeyb ay ka noqdaan dadka saxiisay Mooshinka awoodda matalaad lagu siinayo Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya  in shuruud lagu xiray inuu furmo Kulanka Oo ah in la qeybiyo kuraasta, sida laga soo xigtay Xildhibaanno fadhiya kulanka golaha shacabka, inkastoo uusan furmin kulanka, maadaama uusan weli soo fariisan guddoomiye Mursal oo shir guddoonka ah, inta kale waa xaadir Xildhibaanaddu.

Xildhibaannada u ololeynaya in 13 xubnood uu Gobolka Banadir ku yeesho Aqalka Sare ayaa waxaa u badan beelaha Hawiye iyo Beesha Shanaad, waxayna taageero gorgortan ku jirt ka filayaan xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha si loo ansixiyo.

43910cookie-checkGudoomiyaha Barlamaanka Oo Is-Hortaagay Sharciga Matalaada Muqdisho