Xildhibaano katirsan Barlamaanka Federaalka 0o Dawooyin Gaarsiiyey..

Security Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howl samafal oo Xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ay deeq daawo ah gaarsiiyey guddiga taakulaynta Ciidamada Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari…

Deeqdaan ayaa xildhibaano katirsan barlamaanka Somalia degaan doorashadooduna tahay Puntland ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan halganka ay Masmul iyo shacabka Puntland buuraleeyda Cal-miskaad kaga saarayaan kooxda argagixisada dah ee Daacish, “Intaani ma ahan wax meel kale ka yimid waa deeq xildhibaanada maanta yimid iyo laba xubnood oo kale ay ugu talagaleen ciidamada, way dambaysaa oo waxaan isla garanay in mudada hawlgalku socdo inaan dadkeena dhex joogno oo garab istaagno”, Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Xayle.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan sidaan oo kale gaarsiiyay Deeq Maamulka Deni, iyadoo Sidoo kale Dowlada Federaalka ay si dadban iyo mid toos ahba u gaarsiiyay Taageero isugu jirta Rasaas iyo Dawooyinka halka ay u fududeysay iney Dhaawacyada qaarkod qaba loo qaado Dalka Dibadiisa si loo la tacaalo.

361430cookie-checkXildhibaano katirsan Barlamaanka Federaalka 0o Dawooyin Gaarsiiyey..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *