Burcad badeedda Soomaalida oo Doon Ganacsi ka Afduubtay Xeebaha Eyl ee Somalia..

Somalia news

Sida laga soo xigtay Hey’adda British sea trade monitoring agency, ayaa xaqiijisay in Doon Ganacsi laga afduubtay xeebaha Degaanada Puntland ee Somalia, iyadoo afduubkaan uu sii kordhiyay walaaca laga qabo dib u howlgelida Kooxaha Burcad badeedka Somalia, taasoo cabsi ku abuurtay Shirkadaha Maraakiibta…

Wararka ayaa sheegaya in Doonta ganacsi (A Dhow) ayaa Kooxo aad u hubeysan ay ku afduubteen meel ku dhow Degmada Eyl ee xeebaha Maamulka Puntland Somalia, sida ay sheegtay Hay’adda ganacsiga badaha ee Boqortooyada Ingiriiska. Waxaa kaloo laga xaqiijiyay inuu Afduubkaan dhacay soo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Caalamiga ah, mana la bixin faahfaahin intaasi ka dheer.

Degaanada Maamulka Puntland oo xiisado Gacan hadal dhiig ku daatay ka dhaceen kana dhashay Doorashada ayaa lagu waramayaa iney Ciidamada Ilaalinta Xeebaha u adeegsadeen Hardanka siyaasada ka taagan magaalada Garoowe, waxeyna talaabadaasi u suurto gelisay iney Kooxaha Burcad badeedka ku dhiiradaan iney afduubtaan Maraakiibta Ganacsiga weydistana madaax furasho.

War Hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Markab Ganacsi oo Maraya Badda Carabta, oo Qiyaastii 200nm u jirta Xeebta Hindiya, ayaa lagu soo warramayaa in lagu weeraray Drone, taasoo sababtay Qarax weyn iyo Dab ka kacay laguna guuleystay in la damiyey, Ma jiraan wax Khasaare ah oo ka dhashay Weerarka balse Maraakiibta Badda ee Gobolka ayaa ka jawaabaya baaqyo ka soo yeeray Markabka, Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama garanayo cidda weerarka geysatay.

295180cookie-checkBurcad badeedda Soomaalida oo Doon Ganacsi ka Afduubtay Xeebaha Eyl ee Somalia..