Shacbiga Soomaaliyeed oo Isbedel Muuqda Uga Fadhiya Madaxweynaha cusub & Dowladiisa

Somalia news

Inkastoo 5-tii sano ee u dambeysay Maamulkii Farmaajo uu ku caan baxay musuqmaasuqa, Caburinta Shacbiga, Eex ku dhisan nin jecleysi iyo ku dhaqanka xafiisyada iyo xilalka Dowlada nidaamka Maafiyada oo kale, loona baahan yahay in Isbedel muuqda looga fadhiyo Madaxweynaha la doortay…

Xiligaan adag Dalka & Dadka Soomaaliyeed ma xamili karaan in Xilalka Dowlada gaar ahaan kuwa dhaqaalaha iyo Amniga lagu aamino shaqsiyaad aan aqoon durugsan u laheyn, Dalkaan ma awoodo wakhti lagu tijaabiyo Laamaha kor ku xusan shaqsiyaad daacad u ah Madaxweyanaha la doortay, halka kuwo dembiyo galay lagu dalacsiiyo gabood faladooda.

Saraakiisha jagooyinka sare ee Dowladda Federaalka ayaa 10-kii sano ee u dambeysay waxaa laga soo xulaayay Muwaadiniinta Qurbojoogta ah, iyadoo Qoraxjoogta ay dhibane u noqdeen kuwa u soo macaash tagay Dalkaan burbursan, Maamulka cusub ayaa looga fadhiyaa iney ka baaran degto xulashada Mas’uuliyiinta ay u dooraneyso iney ku aaminaan jagooyinka muhiimka ah.

Khaladaadka joogtada labadii Maamul ee u dambeeyay ayaa ku sifoobay iney mudnaanta 1-aad siiyaan shaqaaleysiinta Qurbojoogta, waxeyna ka mid noqotay dib u dhacyada u weyn ee la degay hanaanka daah furnaanta nidaamka Dowlada talaabadaan oo horseeday Boob cad Ee dhaqaalaha yar ee tugsiga lagu keenay iyo Canshuurta laga qaado Magaalada Mogadishu.

189240cookie-checkShacbiga Soomaaliyeed oo Isbedel Muuqda Uga Fadhiya Madaxweynaha cusub & Dowladiisa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com