Xisbiga ONLF Oo Hakiyay Ka Qeyb Galka Hanaanka Wadatashiga Qaran ee Ethiopia..

Africa News

Iyadoo uu Xiriirka u dhaxeeyay Somalia iyo Ethiopia uu gaaray heerkii ugu hooseeyay ayaa waxaa soo shaac baxaaya in qoraal uu soo saaray Hogaanka Xisbiga ONLF (Ogaden National Liberation Front(ONLF) uu ku sheegay iney hakiyeen ka qeyb galka Hannaanka Wada-tashiga Qaran ee Ethiopia (National Dialogue Process.)..

Waxeyna ku eedeeyeen Hogaanka Abiy iyo kan Kilinka Soomaalida iney cabsi gelin iyo fara gelin ku hayaan Taageerayaasha Xisbiga ONLF iyo Ururada Madaxbanaan ka qeyb galka Kulanka Hanaanka Wadatashiga Qaran si looga doodo Khilaafka iyo colaadaha dhiiga badan ku daatay ee ka taagan socda Gobolada Amxaarada, Oromada iyo kuwa Tigreega.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Xisbiga ONLF ay ka go’an tahay ka qeyb galka Hanaanka Wadatashiga Qaran ee ku dhisan mid dhab ah, loo wada dhan yahay iyo Xisbiyada u wada furan, kaasoo Ethiopia u horseedi kara Nabad waarta iyo wada noolaasho Qoomiyadaha kala duwan, ilaa laga helaayana Hogaanka Xisbiga ONLF kama qeyb geli doono Kulamada ay abaabulayaan Xisbiga PP ee Oromada Hormuudka ka tahay.

347040cookie-checkXisbiga ONLF Oo Hakiyay Ka Qeyb Galka Hanaanka Wadatashiga Qaran ee Ethiopia..