Eritrea Oo Caddeysay Mowqifkeeda ku aadan Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Tigry

Africa News

Danjiraha Eritrea u fadhiya Dalka Ruusia Danjre Petros Tsegay oo waraysi siiyay Warbaahinta dalkaasi ee RIA ayaa sheegay in dowladda Etgiopia oo kaliya ay xaq u leedahay in Eritrea ay ka dalbato in ciidamadeeda ay ka saarto dhulka Gobolka Tigray…

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrintu ay hortaallo kaliya dowladda Ethiopia iyo Eritrea, balse aysan cid kale xaq u lahayn inay ka hadasho arrinta ciidamada Eritrea ee ku sugan meelo kamid ah gobolka Tigray, Ciidamadaan ayaa muddo labo sano ah ka barbar dagaallamayay Ciidamada Ethiopia oo dagaal kulul kula jiray xilligaa ciidamada TPLF, inkastoo markii dambe ay heshiiyeen TPLF iyo dowladda Addis abeba.

Ciidamada Eritrea ayaa intii uu dagaalkaasi socday lagu eedeeyay gabood fallo ka dhacay gudaha gobolka Tigray, inkastoo arrintaasi ay beenisay dowladda Eritrea, dhawaaqaan ayaa ku soo hagaagay xilli maalmihii u dambeeyay ay Dalalka Reer Galbeedku iyo Hay’adaha caalamigu ay Eritrea ka codsanayeen in Ciidamadeeda ay kala baxdo gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.

236480cookie-checkEritrea Oo Caddeysay Mowqifkeeda ku aadan Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Tigry