Midowga Africa Oo Hakiyay Maamuskii Kor-joogteynta ee Dalka Israel la siiyay

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aan ay si KMG ah ugu dhawaaqeen Hogaamiyayaasha Midowga Afrika kaasoo la xiriir hakin lagu sameeyay maqaamkii Kkr-Joogteynta Ee Dalka Israel ee Kulamada Madaxda AU, kaasoo horey loo siiyay, sidaas darteedna aan lagu casumin ergo ka socota Dowladda Yuhuuda balse loo oggolaa kaliyah Danjiraha Dalkaasi ee Dalka Ethiopia..

Dhawaaqaan ayaa yimid kadib markii si ka baxsan Hab-maamuska ceyrinta mid ka mid ah Saraakiisha Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Israel, Gabadhaan ayaa loo adeegsaday in xoog looga saaro Hoolka uu shirku ka dhacaayo, Maamulka Israel ayaa ku eedeeyay Dalka Iran iney soo abaabushay talabadaan.

Dhacdadaan ayaa dib u soo nooleysay khilaaf horey u taagnaa ku aadan Oggolaasha uu Gudoomiyaha AU-da Mr.Moussa Faki Mahamet ku siiyay Dalka Israel Aqoonsiga “goobjooge”, Talaabadaan ayaa markii lagu dhawaaqay waxaa buuq iyo diidmo xoogan kala hortagay Dalalka Awooda iyo saameynta ku leh Go’aamada AU-da ayna ka mid yihiin Algeria iyo South Africa.

Ku darsoo Shir madaxeedkii AU-da ee kal hore ayaa loo hakiyay dood ku saabsan in aqoonsiga lagala laabto (Israel) iyo in kale, waxaana la dhisay guddi Madaxweynayaal ah oo xiisadaan ka soo tala bixiya, isku soo duub dhacdadaan ayaa waxey fashil ku tahay Saameyntii USA ee Africa taasoo gaabis uu ku yimid Sanadihii ugu dambeeyay.

243030cookie-checkMidowga Africa Oo Hakiyay Maamuskii Kor-joogteynta ee Dalka Israel la siiyay