Xoogaga Amaanka Caasimada Oo Dhalinyaro Tik Tok ah Xabsiga Dhigay & Sababta..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howgal qaatay muddo 24 saac ah oo ay Qeybta Guud ee Ciidanka Boliiska ku soo qabteen Dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21-Qof kuwaasoo bulshada dhaxdeeda ka waday Falal lidi ku Amniga iyo xasilinta wadajirka Bulshada…

Dhalinyaradaan oo u badan Gabdho ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa baafinaayeen dacaadayo dhan ka ah Beelo Walaalo ah oo wada degan Caasimada, iyadoo Baarayaasha Boliiska ay bilaabeen baarista Eedeysanayaasha si dacwad loogu soo oogo Shaqsiyaadka ka dambeeya abaabulka falalkaan ay ku kaceen Dhalinyaradaan.

Iyadoo Boliiska ay soo saareen Digniino la xiriira in Shacbiga Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Falalka kicinta ah ee Amniga iyo Xasilinta wax u dhimi kara gaar ahaan hadalada lagu kicinaayo bulshada iyo Aflagaalada Muwaadiniinta.

327610cookie-checkXoogaga Amaanka Caasimada Oo Dhalinyaro Tik Tok ah Xabsiga Dhigay & Sababta..