Isbedel lagu sameeyay Madaxii NISA ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogadishu

Somalia news

Muddo dhowr sano ahba amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho wuxuu ku tiirsanaa Xoogaga Hay’adda NISA, taasoo la xiriirta duruufaha amniga Maamulkii Farmaajo kana dhigtay Ciidamada Boliiska howlgab, iyadoo la sheegay in Awoodo dheeraad oo sharci darro ah la siiyay Madaxa NISA ee Garoonka Mr.Khadar…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Khadar Sanka laga joojiyay shaqada loona magacaabay Sarkaalad kuxigeen u ahayd iney sii waddo shaqada, iyadoo Sarkaalka loo sheegay inuu Xarunta dhexe iska xaadiriyo.

Khadar, ayaa ahaa sarkaal kalsooni badan ka haystay Madaxa NISA iyo Vila Somalia Waxaana hore loola xiriiriyay inuu ku lug lahaa is hortaag uu ku sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Gobolada Jubada hoose iyo Gedo iyo Siyaasiin laga joojiyay safaro.

Xoogaga NISA ee garoonka ayaa si gaar ah Waxa ay gacanta ugu hayeen arrimaha gobolka Gedo taasoo ay si rasmi ah ay iyaga ay u hoos imaan jirtay, waxeyna ka amar qaadan jireen Fahad, Farmaajo Iyo Jiis Mareexaan.

189580cookie-checkIsbedel lagu sameeyay Madaxii NISA ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Mogadishu