Share the post "Xoogaga Amaanka Puntland Oo Muddo Kooban Xanibay Mas’uul ka tirsan Dowlada Federaalka.."
Wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka Maqmulka Puntland ay muddo kooban ku xanibeen Garoonka Diyaaradaha, Mas’uul ka tirsan Dowlada Federaalka oo safar gaar ah ku tagay magaalada, waxaana xiligaasi ku wehliyay Muwaadin kale…
Dhacdadaan ayaa la sheegay iney Xoogaga Amaanka Puntland u geysteen Agaasimaha Waaxda Qiimeynta Wasaaradda Qorshaynta Domslia, Maxamuud Siciid Nuur iyo Muwaadin kale, waxayna weydiiyeen su’aalo ku saabsan Safarkiisa magaalada Garoowe, “Aniga iyo Mr.Duale Foore Duale, xanibaadii iyo is-hortaagii aan saaka kala kulannay gudaha garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa fuliyay Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA” ayuu yiri Maxamuud Siciid Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.
“Waxay ahayd dhacdo aan waafaqsanayn Xeerarka iyo Qawaaniinta Dalka, gaar ahaan kuwa damaanad qaadaya xorriyada isu socodka Muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu sii raaciyay Agaasimaha waaxda Qiimaynta Wasaarada Qorshaynta Dowlada Federaalka oo saacado lagu xanibay garoonka diyaaradaha Garoowe.