Xoogaga ATMIS Oo ka Badbaaday Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Duleedka Afgooye..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen 3-Qof Oo Shaqaale ka tirsan Ciidamada ATMIS Qeybta Uganda shalay Maqribkii ku burburtay duleedka magaalada Afgooye ee Gobolka Dhabeelada Hoose..

Wararka ayaa sheegaya Shilka Diyaarada uu ka dhacay aagga Degaanka Carbiska oo hoos taga Degmada Afgooye, Diyaarada ayaa Saad u siday Ciidamada ATMIS ee fariisinkoodu yahay Balidoogle, waxeyna ka soo kacday magaalada Mogadishu, iyadoo ay gurmad u fidiyeen Ciidamo ka tirsan Boliiska iyo Ciidamada Uganda ee Fariisinkoodu yahay Degmada Afgooye.

Si rasmi ah looma shaacin sababta kaliftay in diyaaradaasi ay dhacdo wax yar kadib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho, waxaana socda baaritaano ku saabsan shilkaas, sida ay noo sheegeen xubnaha u dhiun daloola.

Dhanka kale, waxaa soi shaac baxaaya in Xalay Makeeshiyaad kooxda Shababka ay tiro Hoobiyayaal ah ku weerareen Xarunta Xalane iyo Garoonka Doyaaradaha magaalada Mogadishu, iyadoo aan la ofeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

343760cookie-checkXoogaga ATMIS Oo ka Badbaaday Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Duleedka Afgooye..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *