Maxaa ka Run ah in Madaxweynaha Somalia uu Eergo Ethiopia la Xaajoota u Diray Nairobi…

Somalia news

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxweynaha Somalia uu magaalada Nairobi u diray Ergo 3-Xubnood ka kooban kuwaasoo wada hadal la furaaya Xubno ka socda Dowlada Ethiopia si looga wada hadalo sidii xiisada ka dhalatay Heshiiskii Is-Afragaradka ee Ethiopia iyo Maamulka Waqooyiga Somalia..

Ilo wareedkaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia uu Wada hadaladaasi u wakiishay uuna diray Magaalada Nairobi La-taliyihiisa dhinaca Amniga Xuseen Macallin, Xoghayaha joogtada ee Xafiiska Wasiirka 1-aad Kamaal Guutaale iyo Cabdiraxmaan Caynte oo ka tirsan Xisbsiga Demu jadiid, iyadoo Xubanhaani ay wadahadallo heer-farsamo ah si hordhac ah la yeeshay Ergada Ethiopia, xiligaan waxay ku sugan yihiin magaalada Nairobi, iyagoo kulamo la leh saraakiisha sirdoonka Ethiopia.

Khabiiro ku xeel dheer arrimaha Siyaasada ayaa aaminsan in 3-daan Xubnood aysan midkoodna aqoon durugsan u laheyn Wada hadalada arrimaha xasaasiga ah ee labada Dal isku hayaan, waxeyna u badan iney yihiin Adeegayaal, Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyaa inuusan Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo Amniga u magacaabin Xubno waayo arag ah oo xiisadahaan qeyb weyn ka qaadan kara Xiisadaan iyo xasaradaha ka taagan Badda Cas iyo marinka Bab al Mandab.

313320cookie-checkMaxaa ka Run ah in Madaxweynaha Somalia uu Eergo Ethiopia la Xaajoota u Diray Nairobi…