Mareykanka Oo Soo Saaray Xayiraado Dhanka Safarada ah ee Mas’uulinyinta Dowlada Federaalka

Somalia news

Xoghayaha Arrimaha Dibeda USA Antony Blinken ayaa soo saaray bayaan uu ku xaqiijinaayo inuu xayiraado dhanka dhaqaqaaqa dalku galka (Visa) oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyada Dalka…

Mr.Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, iyada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday Madaxweynaha Somalia, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasoo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Somalia, kuwaasoo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyada.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan iyo goorta ay hirgaleyso siyaasadda lagu beegsaday, balse bayaankaan ayaa lagu soo beegay xili muddo xileedka Ka dhacay 8-Feb Madaxweynihii hore.

166720cookie-checkMareykanka Oo Soo Saaray Xayiraado Dhanka Safarada ah ee Mas’uulinyinta Dowlada Federaalka