Xoogaga PMPF Puntland Oo Ku Weeraray Gaari ay Leeyihiin Hey’adda PSF gudaha Boosaaso…

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar rasaas lagu bartilmaameedsaday Gaari ay iska Leedahay Hey’adda PSF, iyadoo gaariga la rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay gudaha magaalada Boosaaso..

Agaasimaha Hey’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa laga soo xigtay in maanta qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso, Telefishinka SBC ayaa ka soo xigtay agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano in maanta Boosaaso lagu rasaaseeyay baabuur land cruiser ah oo isagu leeyahay islamarkaana ay la socdeen qoyskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska Agaasimaha oo uu sheegay in xiligaasi ay kasoo laabteen safar xagaa bax ah, Agaasimaha PSF ma faah-faahin khasaaraha iyo sida ay dhacdadu u dhacday, waxaase lagu tuhmaaya Xoogaga PMPF ee Maamulka Deni oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo daadgureeyay gudaha magaalada Boosaaso si ay u weeraraan Fariisimada PSF.

344000cookie-checkXoogaga PMPF Puntland Oo Ku Weeraray Gaari ay Leeyihiin Hey’adda PSF gudaha Boosaaso…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *