Ma Dhabaa in Diyaarad kuwa Ciidamada Ethiopia ay Hub & Saanad ka Dejisay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa..

Africa News Somalia news

Macluumaad Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in habeen hore waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo degay diyaarad nooceedu yahay Ilyushina-II 76TD oo Dalka Ruushka farsameeyay oo densatay dhaqdhaqaaqeeda, Diyaaradaan oo aheyd kuwa Xamuulka qaada kirana ah ayaa la xaqiijiyay iney siday oo hub iyo saanad Ciidan…

Xogtaan ayaa waxaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Diyaaradaan ay u siday Dagaal-ooge Muuse Biixi Saanad iyo noocyo kala duwan oo Hub ah, waxeyna duhurnimadii shalay oo ay taariikhdu tahay 04/03/2024 ka soo kacday saldhiga ciidamada Cirka Ethiopia ee Debrezeit, Duuliyaha ayaa demiyay Dhaqdhaqaaqa diyaarada si uusan fasax u weydiisan SCAA.

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradani ayaa dib laabatay Dalka Ethiopia, waxayna ku degtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Nekemte ee Gobolka Oromada 04:30 subaxnimo saacada Geeska Afrika, Horgale Abiy Ahmed ayaa wuxuu si cad u hubaynayaa Dagaal-ooge Muuse Biixi si uu u weeraro deriskiisa bari, SSC Khaatumo State in Somalia.

Beesha caalamku waa inay fiiro gaar ah u yeelato, todobaadkii tagay ayeey aheyd markii Diyaaradaha Sahanka USA ay dul wareegeen Degaanada hoos yimaada Gobolada Sool, Togdheer & Awdal kadib markii Ciidamada Ethiopia ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen Degaanada xadka ku teedsan.

312520cookie-checkMa Dhabaa in Diyaarad kuwa Ciidamada Ethiopia ay Hub & Saanad ka Dejisay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa..