Qeybo ka Tirsan Xaafadaha Degmada B/weyne oo Dadkii ka Barakaceen & Cabsida Fatahaada..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in roob mahiigaan ah oo ka da’ay gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay uu sababay in Xaafado ka mid ah magaalada Dadkii degenaa ay ka barakaceen, iyadoo dhibaatadaan dabiiciga ay xaalada sii adkeysa Khilaafka Maamulka..

Wararka ayaa sheegaya in Daadad xoogan ay ku soo rogmadern magaalada waxaana qaar kamid ah guryaha la degen yahay galay biyo faro badan, Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxaa kamid ah xaafada Kooshin oo ka mid ah xaafadaha lagu tiro kuwa ugu balaaran magaalada Beledweyne, Qoysas badan oo hurdayay guryahooda ayaa waxaa ay arkeen inay biyo soo galay guryahooda waxayna bilaabeen inay ka cararaan guryahooda.

Dad badan ayaa ku go’odoonsan qaar ka mid ah Xaafadaha magaalada, Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in Wabiga Shabelle uu ku fataho magaalada maadaama haatan uu wado biyo faro badan keenay, iyadoo haatan Magaalada uusan ka dhisneyn Maamul la isku raacaan yahay isla markaasna Maleeshiyo Beeleedyo ay afduub ahaan magaalada u heystaan ayaa xaaladaan ka dhigeysa mid cakiran.

324580cookie-checkQeybo ka Tirsan Xaafadaha Degmada B/weyne oo Dadkii ka Barakaceen & Cabsida Fatahaada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *