Xoogaga Suufiyada Oo Weerar Dhabo-gal ah Ku Qaaday Ciidamada Dowladda

Somalia news

Is-rasaaseyn culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhaxe duleedka magaalada Dhuusomareeb ku dhax maray Ciidamada Dowlada oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo Xoogaga Suufiyada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dirirtaan culus uu qarxay kadib markii Xoogaga ka tirsan Ahlu Sunna ay wadada u galeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka baxay Dhuuso mareeb, waxaana ciidankan weerarku ku qabsaday degaanka Balli-Bire.

Ciidamadaan iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa is weydaarsaday hub nuucyo kala duwan leh, waxaana wararku sheegayaan in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac iyo Gadiidka dagaalka oo labada dhinac kala gaaray.

Waxaa adag in xog badan laga helo aaga dagaalka xilliga oo ah habeen ah darteed, waxaana magaalada Dhuusa mareeb xiligaan laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee halkaasi ku sugan.

177580cookie-checkXoogaga Suufiyada Oo Weerar Dhabo-gal ah Ku Qaaday Ciidamada Dowladda
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com