Ma Dhabaa in Horjooge ka Tirsan Kooxda Shababka lagu Qabtay Villa Somalia

Somalia news

Inkastoo Maamulka Xasan Sheekh muddo 6-bilood iyo 20-maalmood uu hagaayay Siyaasada Dalka, haddan wuxuu ka gaabiyay inuu sugo amaanka Madaxtooyada iyo xeyndaabka ku gedaaman, iyadoo ay soo shaac baxayaan xogo la xiriira in lagu qabtay Madaxtooyada Horjooge ka tirsan kooxda Argagixisada…

Xogtaan ayaa sheegtay in Shaqsi la aamisan yahay inuu heystay Aqoonsiga Madaxtooyada isla markaasna loo fududeeyay helista Aqoonsigaasi oo laga bixiyay Xafiiska Wasiirka 1-aad, warar kale ay sheegayaan in tirada la bixiyay aqoonsigaasi ay ka badan tahay inta la og yahay qaarkoodna la bixiyay xiligii kala guurka labada Maamul.

Baarayaasha Kiiskaan ayaa u qabtay ilaa 7-xubnood oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada gaar ahaana qeybaha bixinta Dukumentiyada iyo Miino Baarista, inkastoo 5 ka mid ahi la sii daayay, halka 2-da hartay weli Xabsiga oo lagu hayo, sababo laxariira iney wada shaqeynta iyo xiriirka kala dhaxeeyay Horjoogaha eedeysan.

Wararka ayaa sheegay in baarista lagu ogaaday xiriirka joogto ah ee khadka isgaarsiinta ah iyo Xisaabaadkiisa lacagaga (EVC) ee Horjogahaan ayaa muujinaya kala wareejinta Kumanaan Kun oo US$ ah waxaana ka mid ah Dadka uu xiriirka la sameeyay Ganacsato iyo Mas’uuliyiin Dowladda ah, iyadoo Eedeysanayaasha la qabtay ay sheegeen warar is khilaafsan, iyadoo qaar ka mid ah Saraakiisha sare iyo Howlwadeenada Xafiisks Wasiirka 1-aad ayaa baaris hoosaad lagu bilaabay, halka qaarkood la tuhunsan yahay iney wada shaqeyn kala dhaxeysay Horjogahaan oo degan guri ku yaal Xeyndaabka Madaxtooyada.

Horjogahaan ayaa magacyo dhowr ah isticmaalayay xiligii uu shaqada lid-xuuranka waday, waxeyna kala ahaayeen Maxamed, Cabdulqaadir & Axmed kuwaasoo uu sheegtay abtirsiinyo kala duwan, isla markaasna aan marnaba la tuhmin, iyadoo ay hadda Xarunta Madaxtooyada noqotay meel ay gabaad ka dhigtaan kooxaha argagixisada iyagoo ka faa’iideysanayaa Saraakiisha baahida dhaqaale qaba.

229360cookie-checkMa Dhabaa in Horjooge ka Tirsan Kooxda Shababka lagu Qabtay Villa Somalia