Xoogaga Xuutiyiinta Yemen oo Gantaal ku Weeraray Markab ka dhaqaaqay Dekedda Berbera..

World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar ay Xoogaga Xuutiyiinta ee Yemen ku weerareen Markab Xamuul sida oo Shixnad u socotay Dalka Ethiopia ku dejiyay Dekada Berbera Todobaadkii tagay ayaa khasaare ka soo gaaray Gantaal lagu weeraray Markabkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Markabka oo lagu Magcaabo Lobivia kuna socdaalaya Calanka Dalka Singapore, balse la sheegay inuu leeyahay Ganacsade Isra’ili ah, Sida ay aqoijiyeen Xoogaga Xuutiyiinta Dalka Yemen oo sheegtay Mas’uuliyada weerarka Markabka, kaasoo soo gaaray Khasaare kadib markii qaar kamid ah Konteenaradii uu siday uu dab ka kacay.

Wararka ayaa sheegaya in Kabtanka Markabka uu go’aansaday inuu dib ugu soo noqdo Dekada Berbera si loogu dayactiro khasaaraha ka soo gaaray Gantaalka, Xogo loo qaateen ah oo ku sugan magaalada Berbera ayaa xaqiijiyay in Dekada Magaaladaasi ay soo gaareen Saraakiil ka tirsan Ethiopia kuwaasoo kormeer ku tagay Markabka.

Dawladda Singapore ayaa waxay xaqiijisay in la weeraray Markabka Lobivia, balse shaqaalaha Markabka aanay waxyeelo kasoo gaarin werrarka lagu qaaday Markabka Xamuulka kaasoo hadda lagu dayactiraayo Dekedda Berbera ayna howshaasi wadaan Farsamo yaqaano u dhashay Dalalka Isra’il iyo UAE.

336680cookie-checkXoogaga Xuutiyiinta Yemen oo Gantaal ku Weeraray Markab ka dhaqaaqay Dekedda Berbera..