Dalalka Islaamka & Carabta Oo Cambaareeyay Xasuuqa Lagu hayo Shacbiga Falastiin..

World

Dalalka Islaamka iyo qaar kamid ah Dowladaha aan aheyn Reer Galbeedka iyo Yurub ayaa cambaareeyey weerarada lagu hayo Falastiin, gaar ahaan Isbitaalada lagula tacaalaayo Dhaawacyada ay geysteen Diyaaradaha Yuhuuda oo Duqeyn u geystay…

Dalka UAE, ayaa waxay dalbatay in baaritaan lagu sameeyo dhacdada, si loo ogaado cida geysatay, xili ay Israel sheegtay in Gantaalka goobtaas ku dhacay uu ahaa mid Falastiin riday, taasoo ah jeesjees xoog leh, waxyar ka horna waxay ku dhawaaqday iney 5-Hosbital kale weerarayso.

Dalalka Qatar, Saudiga, Turkey, Baxreyn, Jordan (Oo Joojisay Kulan uu Boqorka la qaadan lahaa Bidan maanta), Oman, Masar, Aljeria, Iraq, Lebnon, Russia iyo China ayaa cambaareeyey weerarkii Isbitaalka lagu xasuuqay shacabka dhaawacyada horey u qabay iyo dhakhaatiirtii daweynaysay.

Maamulka Villa Somalia ayaa aamuska la fogaatay, iyadoo ka mid noqotay dalal dhif ah oo aan ka hadlin xasuuqa lagu hayo Shacbiga Falaatiin.

282540cookie-checkDalalka Islaamka & Carabta Oo Cambaareeyay Xasuuqa Lagu hayo Shacbiga Falastiin..