Gacan Ka Hadal Dhex maray Laba Duuliye Xili Diyaaradu ku jirtay Duulimaad Hawada Sare ah

World

Faahfaahin ayaa laga helayaa gacan ka hadal la isku adeegsaday Laad & Feer oo ka dhacay Hawada sare una dhaxeeya 2-Duuliye oo ka tirsan Shirkadda AirFrance, xili ay Diyaarada ay wada hagaayeen ay ku jirtay Duulimaad ay ugu kala goosheysay magaalooyinka Geneve iyo Paris…

Wararka ayaa sheegay in dagaalkaani uu horseeday in mid ka mid Matoorada Diyaarada ay waxyeelo soo gaarto, inkastoo si nabada ah ay ku soo caga dhigtay Garoonka diyaaradaha magaalada Paris ee Dalka France, waxaana socda Baaris la xiriirta sababta kaliftay gacan ka hadalka, iyadoo labada Duuliye Shaqada laga joojiyay.

Sida ay qortay Majalada la Tribune Switzeland, waxaa soo kala dhex galay Shaqaalaha Diyaarada xili uu gacan ka hadalka gaaray heer xun, iyadoo mid ka mid Shaqaalaha uu Qolka Diyaaradaha laga hago soo galay oo ku jiray ilaa ay ka degato, Duuliyayaashaan ayaa lagu eedeeyay iney khatar geliyeen nolosha Rakaabka diyaarada saaran.

210590cookie-checkGacan Ka Hadal Dhex maray Laba Duuliye Xili Diyaaradu ku jirtay Duulimaad Hawada Sare ah