Xujeyda oo Maanta taagan Banka Carafo..

World

In ka badan hal milyan iyo bar oo Xujey ah ayaa maanta isugu soo uruuray Buurta Carafo, iyaga oo gudanaya maalinta ugu muhiimsan ee waajibaadka Xajka, Xujeyda oo isaga kala yimid dunida dacaladeeda ayaa gudanaya rukunada ugu muhiimsan, uguna dambeeya acmaasha Xajka. Xujeyda ayaa Alle ka baryaya dembi dhaaf, una duceynaya Umadaha Muslimiinta ee caalamka oo dhan…

Maanta waa maalin ku weyn Umadaha Muslimiinta, waana maalin qiimo badan, iyadoo sooman uu Alle ka baryaaya inuu u dembi dhaafo wixii qadaf ah ee horey uga dhacay, iyagoo gacmaha kor u taagaya, weydiisanayana Gargaar Alle, Umadaha Muslimiinta ayaa waxaa ku waajiba in ugu yaraan ay halmar xajiyaan, inta noloshooda ah, haddiiba ay awoodaan.

Si kastaba ha ahaatee, Sanadkii hore waxaa waajibaadka Xajka gutay 1.8 milyan oo Qof, sida ku cad tira-koobka rasmiga ah ee Boqortooyada Sacuudiga, insha alaah maalinta berito (Axad) ayaa lagu wadaa in dhamaan Dalalka Islaamka laga ciidi doonnaa maalinta 1aad ee Ciidul Adxaa, taas oo geba-gabo u ah gudashada acmaasha Xajka iyo taagnida Xujeyda ee Banka Carafo.

331830cookie-checkXujeyda oo Maanta taagan Banka Carafo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *