Buufino La Tuhmaayo iney Basaas yihiin Oo dul Heehaabayo Hawada USA & Canada

U.S. World

Amaanka Dalalka Mareykanka & Canada ayaa khalkhal ku yimid kadib markii mar kaliyah ay ku baraarugeen laba Buufin oo laga leeyahay Dalka China ay dul heegaabayaan Hawada Sare ee Dalalkaasi, taasoo horseeday iney ku dhaqaaqaan “Hubin iyo Dabagal” Ujeedada Buufinadaani…

Aqoonyahannada Taxliiliya Amaanka ayaa sheegay iney ceeb ku tahay Ciidamada Cirka ee Dalka Mareykanka iney horey u sii ogaan waayeen Buufinadaani shakiga badan dhaliyay waxa ku riixay iney dul maraan Hawada sare ee Dalalka Mareykanka iyo Ujeedada loo soo mariyay dalalkaasi.

Saraakal u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Buufinka 1-aad uu xiligaan dul maraayo hawada degaanada Waqooyi galbeed ee USA, halkaasoo ay ku yaaliin Saldhiigyo Ciidamada Cirka ee USA, iyadoo la aaminsan yahay in goobhaasi ay sidoo kale ku yaalaan dhulka hoostiisa xarumaha Gantaalada ridada dheer (ICBM) ee Nukliyeeeka xambaara, ilaa hadda lama oga hadii ay Dowladda China ay ku talo gal ka aheyd xog-uruurinta Buufinadaasi.

Dowlada China ayaa eryo adag uga fal celisay Eedaha uga yimid Maamulka Washington, waxeyna cod dheer ugu sheegeen iney ka waantoobaan “Abuurida Qayaali aan jirin”, Xiriirka 2-Dal ayaan wanaagsaneyn xiliyadii ugu dambeeyay, Xiisadani ayaa ku soo beegmatay xilli lagu wado in Dhowaan Xoghayaha Arrimaha Dibeda USA uu booqasho naadir ah ku tegaayo Dalka China.

240520cookie-checkBuufino La Tuhmaayo iney Basaas yihiin Oo dul Heehaabayo Hawada USA & Canada