Kooxda Xuutiyiinta Oo Ku Goodiyay iney Jarayaan Xarkaha Internet-ka “Fiber Obtica”..

Somalia news World

Waxaa aad u korortay cabsida laga qabo in Kooxda Xuuriyiinta ee Gacanta ku haya inta badan Degaanada Dalka Yemen iney jaraan xarkaha Internetka ee badda hoosteeda mara ee loo yaqaan Fiber Obtica, kadib markii Xulufada USA & UK ay kordhiyeen Duqeymaha Diyaaradaha Dagaalja & Gantaalada…

Maamulka Dalka Yemen ee xaruntoodu tahay magaalada Cadan ayaa ka digtay in Xuutiyiinta, oo qabsaday inta badan Yemen 2014, ay hadda ku hanjabayaan inay waxyeeleeyaan xarkaha isgaarsiinta ee muhiimka ah ee badda hoosteeda, oo ay ku jiraan khadadka internetka, kuwaas oo hoos mara Badda Cas – iskuna xira Aasiya iyo Europe.

Digniintan ayaa timid ka dib markii kanaal ku xiran Xuuthiyiinta oo ku jira Telegram-ka uu soo dhigay khariidad muujinaysa marinnada xarkaha badda hoosteeda mara ee badda cas, Xarkaha fiber-ka, oo qaada 17% Internetka ee Aduunka, waxay yaalaan gunta badda inka badan boqolaal mitir ka hooseeya oogada – aadna uga fog inay gaaraan quusayaasha.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tknoolajiyadda ayaa sheegay “Runtii waa jirtaa cabsi badan iyo xaalado kala duwan oo is soo taraya oo laga qabo in kooxda xuutiyiinta ay carqaladeeyna habsami u socdka gancsiga iyo isgaarsiinta aduunka, ayaga oo jaraya xargaha fiber optic-ga”.

306750cookie-checkKooxda Xuutiyiinta Oo Ku Goodiyay iney Jarayaan Xarkaha Internet-ka “Fiber Obtica”..