Yaa Bixiyay Amarka Lagu Geeyay Ciidamada Dowladda Daafaha Garoonka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada, Gorgor iyo Haramcad oo ah kuwa wax u caburiya Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday lagu dejiyay 6-bar-kontrol oo ku wareegsan garoonka diyaaradaha Degmada Wadajir (Xalane) iyo Qeybta Afisioni, si loo carqaladeeyo Kulanka loo madlan yahay in lagu qabto Teendhada….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in ilaa 6- bar kontrol oo cusub laga Hirgeliyay xeyndaabka ku xeeran Garoonka diyaaradaha, waxaana anarkaasi lagu geeyay Ciidamadaan bixiyay Farmaajo oo doonaaya inuu fashiliyo shirka ay garwadeenka ka tahay Wakiilada Beesha Caalamka.

https://fb.watch/4mzPFGtcgf/

Talaabadaan ayaa la sheegay iney horseedi doonto Qalalaase Siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in kooxo wata Qoryaha diirada leh oo meelaha fog wax ka toogta lagu diyaariyay barahaasi, gaar ahaan qeybta Afisioni iyo buurta ka soo horjeeda xerada Xalane.

Ciidamadaan ayaa horey ugu lug yeeshay weeraro lagu beegsaday siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaal hore, Ra’iisul wasaare hore iyo Mudanayaal Baarlamaan kuwaasoo ka mid ah Midowga Musharixiinta Ee u taagan iney ka qeyb galaan Doorashada dadban ee Somalia.

103410cookie-checkYaa Bixiyay Amarka Lagu Geeyay Ciidamada Dowladda Daafaha Garoonka